WASIIRKA WARFAAFINTA OO LA KULMAY WAKIILKA UNDP EE SOOMAALIYA

Wasiirka Warfaafinta ayaa Muqdisho kula kulmay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashi ku saabsan horumarinta warbaahinta, wacyigelinta bulshada, isgaarsiinta istiraatiijiga ah, dhaqanka iyo dalxiiska.
MUQDISHO — Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay Wakiilka Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.
Wakiilka UNDP ayaa markii uu Wasaaradda yimid waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale. Wafdiga ayaa sidoo kale booqday xarumaha Warbaahinta Qaranka iyo keydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo UNDP, gaar ahaan horumarinta warbaahinta, isgaarsiinta istiraatiijiga ah, wacyigelinta bulshada, dhaqanka iyo dalxiiska.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta awoodda shaqaalaha warbaahinta, taageerada warbaahinta, waxbarashada cod-bixiyeyaasha, ka hortagga wararka khaldan iyo marin-habaabinta, iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wadahadallada loo beddelo iskaashi farsamo oo la taaban karo, iyadoo la dejinayo mudnaano cad, qorshe fulineed iyo hannaan joogto ah oo iskaashi ah.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadahadallada farsamo, si meelaha la isku afgartay loogu beddelo barnaamijyo iyo hawlo la taaban karo.






