Deg Deg
•MAAMUUS TV — War Deg Deg ah marka la xaqiijiyo ayaa halkan ka soo muuqan doona.
Soomaaliya

Xasan oo qaabilay wafdiga Pakistan ee jooga Muqdisho

September 20, 2026 · 09:25 PMMaamuus TV
Xasan oo qaabilay wafdiga Pakistan ee jooga Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday ciidamada cirka ee dowladda Pakistan, iyada oo uu hoggaaminayay taliyaha difaaca cirka, ahna taliye ku-xigeenka ciidanka cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sare u qaadista iyo dardargelinta dhismaha ciidanka cirka Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidanka cirka, horumarinta tayada iyo tababarka ciidanka iyo xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo laguna dhisayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si loo dardargeliyo howlaha Taliska Guud ee ciidanka xds, loona xoojiyo awoodda difaaca cirka ee dalka.

Kulankan ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siinayso horumarinta iyo tayeynta ciidamada cirka, gaar ahaan xilli ay socdaan dadaallo lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo leh awood iyo tababar sare, kana qeyb qaata sugidda amniga iyo difaaca hawada Soomaaliya

Si kastaba, kulanka manta ayaa daba socda heshiis dhanka iskaashiga difaaca ah oo ay dhowaan wada galeen labada dowladood, kaas oo ay wada saxiixeen wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo horay booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Islamabad, halka Pakistan uu u saxiixay wasiirka difaaca, Mudane Khawaja Muhammad Asif. Heshiiskaas ayaa ah mid lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyada difaaca iyo amniga, iyada oo sidoo kale lagu horumarinayo awoodda ciidamada.

Is-afgaradkan ayaa sidoo kale dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadaan la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha, aqoonta milatari, kobcinta awoodaha difaaca iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga.

Waxaa kale oo uu saxiixa is-afgaradkaas muujiyay sida ay Soomaaliya iyo Pakistan uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda istaraatiijiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, isagoo saldhig u noqonaya wada-shaqeyn wax ku ool ah oo u adeegta danaha labada dhinac.

La wadaag Facebook WhatsApp
← Ku noqo wararka

Soomaaliya

Warar La Xiriira

Dalal ka digay safarka Sacuudiga kaddib weerarro lagu qaaday garoomadiisaWararka

Dalal ka digay safarka Sacuudiga kaddib weerarro lagu qaaday garoomadiisa

Dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Australia iyo Canada ayaa muwaadiniintooda uga digay safarka Sacuudiga kaddib weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha. Weerarrada ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo carqalad ku timid duulimaadyada gobolka.

October 12, 2026 · 11:37 AM · 1 daawasho

Wariye: Xuutiyiinta oo wajahaya yaraanta dagaalyahannadaWararka

Wariye: Xuutiyiinta oo wajahaya yaraanta dagaalyahannada

Wariye Cadnaan Al-Jabrani ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay ku adkaanayso helidda dagaalyahannada ay u baahan yihiin, iyadoo furimaha dagaalku sii fidayaan, khasaaruhuna kordhayo.

October 12, 2026 · 11:37 AM · 4 daawasho

Xayiraadaha Israa’iil ee Hebron oo adkeeyey nolosha FalastiiniyiintaWararka

Xayiraadaha Israa’iil ee Hebron oo adkeeyey nolosha Falastiiniyiinta

Isbaarooyin, albaabbo bir ah iyo waddooyin xiran ayaa carqaladeeyey isu-socodka, ganacsiga iyo waxbarashada Falastiiniyiinta ku nool magaalada Hebron. Dadka deegaanka iyo maamulka magaalada ayaa sheegaya in xayiraaduhu sii adkaynayaan joogitaankooda magaalada qadiimiga ah.

October 11, 2026 · 07:09 PM · — daawasho

Guddoomiyaha Taciz oo ku baaqay gurmad degdeg ah iyo qaadista go’doomintaWararka

Guddoomiyaha Taciz oo ku baaqay gurmad degdeg ah iyo qaadista go’doominta

Guddoomiyaha gobolka Taciz, Nabiil Shamsaan, ayaa ku baaqay tallaabooyin heer qaran iyo heer caalami ah oo lagu qaadayo go’doominta gobolka. Waxa uu dalbaday gurmad degdeg ah, iyadoo dadka deegaanku ay wajahayaan cunto, dawo iyo shidaal yari.

October 11, 2026 · 07:08 PM · — daawasho

Sacuudiga: TGA oo xayirtay 3,449 gaari bishii SebtembarWararka

Sacuudiga: TGA oo xayirtay 3,449 gaari bishii Sebtembar

Hay’adda Guud ee Gaadiidka Sacuudiga ayaa bishii Sebtembar xayirtay 3,449 gaari, waxayna bixisay 11,107 digniinood. Kormeerro ay samaysay ayaa lagu diiwaangeliyey 94,321 xadgudub oo ka dhan ah xeerarka gaadiidka.

Kastamyada Sacuudiga oo toddobaadkii hore diiwaangeliyey 1,126 qabasho oo alaabo mamnuuc ahWararka

Kastamyada Sacuudiga oo toddobaadkii hore diiwaangeliyey 1,126 qabasho oo alaabo mamnuuc ah

Kastamyada dhulka, badda iyo hawada ee Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkii hore diiwaangeliyey 1,126 qabasho oo alaabo mamnuuc ah. Waxyaabaha la qabtay waxaa ka mid ahaa daroogo, tubaako iyo agab kale oo mamnuuc ah.

October 10, 2026 · 11:24 PM · — daawasho

Wararka

Wararka Ugu Dambeeya

Dhammaan →