Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya oo ka wada hadlay mudnaanta sharci-dejinta
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Golaha Shacabka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dardargelinta howlaha sharci-dejinta.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado sharciyada mudnaanta u leh dalka iyo horumarinta howlaha hay’adaha dowladda.
Ilaha: SONNA — Akhri ilaha
